Sawiro:Shacabka soomaliyeed ee kenya oo maanta bilaabay in ay iska burburiyaan Tarmuusyada

Degaanada dhaca gobolka waqooyi bari kenya ayaa maanta waxaa lagu arkay arin ka yaabisay shacabka ku dhaqan Garissa Mandera Wajer iyo qeybo ka mid ah xeryaha Qaxootiga Dadab.

Shacabka waqooyi bari ayaa maanta waxay bilaabeen in gabi ahaan ba ay burburiyaan Tarmuusyada shaaha kadib markii la sheegay in ay Ku jiraan Kaniini cad iyo madow ah halkii Tarmuus.

Waxey sheegeen in arintaan ay keeni karto caafimaad daro gaar ahaan cudurka Cancer-ka loo yaqaan.


Inkastoo aan la ogeyn arintaan waxa ka Jira iyo sababta keentay ayaa hadane waxaa Jirin war ka soo baxay wasaarada caafimaadka Kenya oo ku aadan in cuduro ay dhalin karaan kaniiniga Laga helay Tarmuusyada.


Dhanka kale waxaa maanta kor u kacay qiimihii lagu iibinayay Jalmadaha kadib markii ay shacabka bilaabeen in ay iibsadaan.


Soomaalida oo caan ku ah cabida iyo isticmaalka shaaha ayaa markii hore ku karsan Jiray Digsiga lakiin,waxay sheegeen in hada laga bilaabo ay adeegsan doonan jalmada si ay shaaha ugu keydsadaan.


Botan Gamun Jekey oo ka mid ah shacabka Garissa ayaa sheegay in uu la yaabay Arintaan dad badanna ay tarmuusyadooda Jabiyeen.


Abdirahmaan Kulmiye oo ka mid ah Raga maqaayadaha ku leh magaalada Garissa ayaa dhankiisa sheegay in kalyeenti badan oo shaaha ka caba ay maanta su,aalo ka keeneen Arintaan.

Faallooyin