Amnesty oo xadgudub ka dhan ah dadka rayidka ku eedeysay milatariga Sudan-ta koonfureed

Ciidamada Sudan-ta Koonfureed iyo dagaal yahanada Taabacsan ayaa waxaa lagu eedeyay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha in ay geysteen bilwogii sanadkaan aynu ku gudo jirno ee 2018-ka.


Dad goob joog u ahaa ayaa sheegay in ay la yaabeen sababta ay ciidamada Police-ka ay u bartilmaameed sadeen,waxaana ay sheegeen in Kufsi loo geystay haween badan dadka qaar Nolosha lagu gubay tiiyoo ay Jirto in kuwo kalena inta la daldalay geedaha laga soo laalaadiyay.

Xadgudubka Lagu ee deyay Milatariga sudan-ta Koonfureed ayaa lagu xaqiijiyay warbixin maanta oo arbaco ah ay soo saartay Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

Mid ka mid ah dadka la wareystay ayaa sheegay in gabar 8 sano Jir ah la kufsaday halka haweeney kale ay sheegtay in ay goob joog u aheyd wiil 15 jir ah oo la kufsaday.


Watbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka ugu daran ay ka soo barakaceen ismaamulada Leer iyo Mayendit,mudada shantii sano aheyd oo uu dagaalka sokeeye ka socday Sudan-ta koonfureed.

Xadgudubyada ugu daran ee ka dhacay wadanka ugu yaran caalamka ayaa Amnesty International sheegtay in uu si gooni ah u saameyay haweenka iyo dhalinyarada Yar yar ee qaan gaaarka aan aheyn.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada sudan ayaa marar badan iska indha tirtay eedo loo jeediyay oo ku aadan xadgudubyo ay geysteen ciidamadooda.

Faallooyin