Police-ka Nairobi oo 15 ruux oo ajnabi ah ku xiray xaafada South C

Waaxda socdaalka kenya ayaa shaaca ka qaaday in gacanta ay ku dhigeen ciidamada Police-ka 15 muwaadin oo shiinees ah oo si sharci daro ah ku joogay magaalada magaalada Nairobi.

Dadkaan la soo qabtay oo badi ahaa dumar ayaa waxaa la sheegay in si sharci daro ah goob jirkooda ay uga ganacsadaan ay uga furteen xaafada South C.

Xariga dadkaan ayaa waxaa uu imaanayaa bil kadib markii wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka kenya Fred Matiang uu shaaciyay in dowlada ay bilaabeyso howlgal ka dhan ah dadka sharci darada ku joogga dalkooda.


Laba isbuuc ka hor ayaa police-ka kenya waxay galeen xarun tv oo laga leeyahay dalka shiinaha oo fadhigiisu yahay Nairobi,waxaana lagu xiray wariye yaal si sharci daro ah uga shaqeynayay xaruntaasi.


Safaarada shiinaha ee magaalada Nairobi ayaa sidoo kale sheegtay in dadkaan ay si sharci ah ku joogeen caaasimada waxaana ay dhaliileen howlgalka lagu soo xiray.

Faallooyin