Dagaal yahano ka tirsan shabab oo laba ruux ku dilay ismaamulka Garissa

Dagaal yahano ka tirsan ururka al shabab ayaa barqadii maanta waxay laba ruux rakaab ah oo saarnaa gaari ku sii jeeday magaalada Garissa ku dileen degaanka Handoro oo u dhaxeeya magaalada Ijara iyo Sangailu oo hoos yimaada ismaamulka Garissa.


Goob jooge saarnaa gaariga ayaa waxaa uu sheegay in dagaal yahanada ay ku amreen darawalka Bus-ka Kilas in uu joojiyo kadibna waxay ku amreen rakaabka in ay soo saaraan aqoonsigooda.


Kooxdaan ayaa la degay sadex ruux oo aan soomaali aheyn oo saarnaa gaariga waxaana ay ku amreen in ay aqriyaan suurada Faatixa iyo shahaada qireysa islaanimada.

Mid ka mid ah macalinkii la afduubtay ayaa waxaa uu sheegay in laba ka mid ah ay ku fashilmeen deetana ay halkaasi ku toogteen iyaga oo gacmo xiran.


Ruuxa ka badbaaday ayaa waxaa uu gaariga uga degay degaanka bura east oo 100 kiilo mitir u jirta magaalada Garissa.

Labada ruux oo ee la toogtay ayaa mid ka mid ah waxaa la sheegay in uu ahaa kirish boyga Bus-ka Joshua iyo nin kale oo ahaa shaqaale ka howlgala magaalada Masalani.


Dagaal yahanada ayaa goobta isaga baxsaday iyadoo ciidamada difaaca kenya ay howlgalo lagu baadi goobayo kooxdaas ka bilaabeen tuulada Handoro.


Isku duwaha dhanka amaanka ee gobolka waqooyi bari kenya Mohamed Birik ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay dilka labadan ruux waxaana uu sheegay in arintaan aysan soo laaban doonin.

Faallooyin