Hey,adaha gargaarka oo walaac ka muujiyay abaaraha baahsan ee ka Jira Afghanistaan

Malaayiin ruux oo ku nool Afghanistaan ayaa wajahaya abaaro baahsan taasi oo saameyn ku yeelatay nolosha shacab weynaha ku nool gobolo ku yaal dalkaas.


Dadkaan ayaa waxay sanadkaan uga barakaceen guryahooda sanadkan ay nu ku jirno sidii ay ku heli lahaayeen biyo iyo raashin ku filan.

War ka soo baxay Hey,ada qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in laba milayn oo ruux oo aysan heli karin wax ay cunaan xiligaan hadii aan talaabo wax looga qabanayo la qaadin.


Dadka u nugul oo abaarta saameysay ayaa waxaa u badan caruurta haweenka iyo dadka da,da kuwaasi oo wali ku nool degaano aysan gaari karin hey,adaha gargaarka ee ka howlgala Afghanistan.


Walaaca ka soo yeeray qaramada midoobay ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo kooxda taaliban ay kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowlada iyo hey,adaha gargaarka ee ku sugan Afghanistan.

Faallooyin