Laba nin oo lagu eedeyay dilka jaajuuskii hore ee ruushka iyo gabadhiisa oo sheegay in ay dalxiis u tageen Uk

Laba muwaadin oo u dhalatay ruuska oo lagu eedeyay in ay qeyb ka ahaayeen dilkii loo geystay Jaajuuskii hore ee ruushka iyo gabar uu dhalay ayaa waxay sheegeen in ay ahaayeen dalxiisayaal.


Ragaan oo lagu kala magacaabo Alexander Petrov iyo Ruslan Boshirov, oo la hadlay Tv-ga qaranka ruushka ee RT ayaa waxay sheegeen in ay u booqdeen xaafada Salisbury bishii March ee sanadkaan si ay u soo arkaan magaalada caanka ah ee ku koonfurta England.

Dowlada Uk ayaa ku eedeysay Petrov iyo Boshirov in ay isku dayeen dilkii loo geystay Jaajuuskii hore ee ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Julia.

Balse labadaan nin ayaa beeniyay eeda loo jeediyay waxaana ay sheegeen in bishii maarso dalxiis ahaan ay u tageen Salisbury oo ay ku sugnaayeen 30 daqiiqo.


Si kastaba ha ahaatee xukuumada Uk ayaa sheegtay in ruushka uu ka danbeeyay qaarijintaan waxaana Police-ka aduunka ay ugu baaqday in gacanta lagu soo dhigo labadan nin oo qeyb ka ahaa dilkaasi.

Faallooyin