Hindiya oo mamnuucday boqolaal shirkadood oo saara daawada

Dowlada hindiya ayaa mamnuucday 328 shirkado ganacsi oo soo saara daawooyinka kuwaasi oo laga leeyahay gudaha iyo dibeda Hindiya.


Talaabada ay qaaday xukuumada ayaa waxaa walaac ka muujiyay qabiirada dhanka caafimaadka waxaana ay sheegeen in arintaan ay keeni karto sare u kac ku yimaada qiimaha daawada oo saameya shacabka.

Hindiya ayaa sanadii 2016-kii xanibaad ku soo rogtay 350 shirkadood oo soo saara daawada,balse maxkamada sare ayaa hor istaagtay mamnuucidan waxaana ay ugu baaqday dowlada in la talin iyo dib u eegis ay sameyso.

Wasaarada caafimaadka ayaa war ay soo saartay shalay oo arbaco ah waxay ku sheegtay in aysan Jirin baahi loo qabo warshadahan soo saara daawada u badan qalajiyaha,tiiyoo ay jirto in marar qaar ay sabab u yihiin caafimaad daro.

Arintaan ayaa waxaa aad uga xumaaday shirkadaha soo saaray daawadan waxaana ay sheegeen in aysan dowlada marin hanaan sharci ah oo ay ku mamnuucday.

Dhanka kale xukuumada Hindiya ayaa cadeyn dhibaatada caafimaad daro ee ku jirta daawada u badan qalajiyaha gaar ahaan maadada (FDCs) oo la mamnuucay.

Faallooyin