Sawiro:Police-ka California oo baaraya toogasho lagu dilay shan ruux

Nin hubeysan oo aan la aqoonsan ayaa waxaa uu toogtay xaaskiisa iyo afar ruux oo kale weerar ka dhacay gobolka California sida ay sheegeen police-ka mareykanka.


Goobta uu weerarkan ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Bakersfield,waxaana 145 kiilo mitir ay dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Los Angeles.


Sida laga soo xigtay police-ka ninkaan ayaa xaaskiisa u raacay shirkad xamuul oo masaafo ahaan magaalada u jirta 375,000.


Ninkaan ayaa markii uu tagay halkaas waxaa uu toogtay nin joogay shirkada deetana waxaa uu ku daray afadiisa sida uu sheegay sargaal lagu magacaabo Sheriff Donny shir jaraa,id qabtay kadib dhacdadan.

Dilaaga ayaa intaa kadib aaday gurigiisa halkaasi oo uu ku dilay nin iyo haweeney kale.


Police-ka oo arintaan ku baxay ayaa daba galay ninka falkaan ka danbeeyay kaasi oo ugu danbeyn isku dayay in uu toogto haweeney iyo wiil yar oo mararay wado weyn oo ku taal magaalada.


Ninkaan ayaa ugu danbeyn tagay goob la dhigto gawaarida halkaasi oo uu isku toogtay.


Dhanka kale Police-ka mareykanka ayaa baaraya sababta ka danbeysay in ninkaan uu laayo dadkaas kadibna uu is dilo.

Faallooyin