Hogaamiyaha Myanmar oo difaacday xabsiga lagu xukumay saxafiyiin u shaqeeya Reuters

Hogaamiyaha dalka Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa difaacday khamiistan maanta xabsiga lagu xukumay laba saxafi oo shaqeeya wakaalada wararka ee Reuters oo lagu eedeyay in ay bixinayeen sirta dowlada.

Wa Lone, 32 jir ah, iyo Kyaw Soe oo, 28, sano jira ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu helay danbi ah in ay bixinayeen siraha qaranka taasi oo ay ku muteysteen in lagu xukumo 7 sano oo xabsi ah sida ay sheegeen dacwad soo oogayaasha Myanmar.


Wariye yaashaan ayaa u shaqeeya Routers ayaa horay u tabiyay tacadiyo ay milatariga u geysteen qowmiyada muslimiinta ah Rohingya.


Suu Kyi oo ka hadleysay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha oo ka oo lagu qabtay dalka Vietnam ayaa sheegtay in saxafiyiintan la xiray sababtuna ay tahay in ay gudbinayeen si aan sharci aheyn sirta qaranka.


Wariye yaasha la xiray oo ka soo muuqday maxkamada Myanmar ayaa diiday in ay qirtaan danbiga loo heesto,balse waxay tilmaameen oo kaliya in la xiray bishii December sanadii la soo dhaafay xilli ay ku howlanaayeen warbixino ay ka gudbinayeen howlgalo milatariga ka wadeen degaanada ay ku nool yihiin muslimiinta dalkaasi.


Si kastaba ha ahaatee xabsiga lagu xukumay wariye yaashaan ayaa waxaa aad u canbaareyay wadamada beesha caalamka.

Faallooyin