Xaalada magaalada ceel waaq oo caawa degan kadib rabhsado hal ruux lagu dilay oo ka dhacay maanta


Waxaa degan xaalada guud ee magaalada ceelwaaq ee degmada koonfureed ee ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari kenya kadib banaanbaxayo rabshada wata oo maanta ka dhacay halkaasi.

Dadweyne ka careysnaa dilal loo geystay sadex ruux oo laba ka mid ah ay walaalo ahaayeen ayaa weeraray ciidamada Police-ka taasi oo keentay in xaalada ay faraha ka baxdo.

Dadka degaanka ayaa ku eedeyay ciidamada amniga in ay ka danbeeyaan dilka loo geystay sadexda ruux ee sida sharci darada ah lagu dilay,inkastoo ciidamada ay beeniyeen.

Dibad baxa oo socday ilaa iyo maanta ayaa waxaa ku dhintay hal ruux kadib markii ciidamada Police-ka ay rasaas ku fureen dadka banaan baxa dhigayay.

Arintaan ayaa waxay dhalisay in dad degaanka oo caro ka sii qaaday dilkaan ay iyagana dilaan laba ruux oo ah shaqaalaha guryaha ka shaqeeya.

Xaalada ayaa degan fiidnimadan caawa walow magaalada ay gashay Jawi kale sida ay Universal uu sheegeen dadka ku dhaqan koonfurta magaalada Mandera.

Faallooyin