Xoghayihii hore ee qarmada midoobay Kofi Anan oo lagu aasay Ghana


Xoghayihii hore ee qaramada midoobay mr Kofi Annan ayaa maanta lagu aasay dalka uu ka soo jeeday ee Ghana iyadoo hogaamiye yaasha caalamka ay ku baaqeen in la sii wado dhaxalka ku saleysan aamusnaanta iyo fikirkii Anan ,si loo helo Duni nabad ah oo ka wanaagsan tan hada.


Carmalada uu ka geeriyooday Nane Maria ayaa ku hogaamisay boqolaal ruux aaska waxaana goob joog ka ahaa hogaamiye yaal horay xilal u soo qabtay iyo kuwa hada haya.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska Anan ayaa ugu yeeray in uu ahaa shaqsi aysan jirin cid lagu tilmaami karo sidoo kale lahaa dareen uu ku dhahen yahay farxad nololeed.


Nane Maria ayaa sheegtay in seygeeda uu dib ugu laabtay meesha uu markii hore nolosha ka soo bilaabay xili dheer,ayna sii wadi doonaan inta ka danbeysa oraahda xikmadeed iyo ficilada ku dheehan Naxariista uu lahaan Jiray.


Kofi Anan oo lagu aasay magaalada caasimada ah ee Accra ee dalka Ghana,ayaa inta uu dhiman waxaa uu ku xanuunsanaa Switzerland waxaana uu geeriyooday isaga oo da,diisa ay aheyd 81 sano Jir.

Xoghayihii hore ee qaramada midoobay ayaa xilka qabtay sanadii 1997-dii ilaa sanadii 2006-da waxaana uu noqday shaqsigii ugu horeeyay oo ka soo jeeda wadamada ka hooseeya saxaraha ee qabta xilkan.

Faallooyin