Wariye u dhashay Austria oo lagu xiray dalka Turkiga

Dowlada turkiga ayaa xabsiga dhigtay wariye u dhashay Austria oo qora website ahna falan qeeye siyaasadeed oo dowlada turkiga ku eedeysay in uu ku lug leeyahay falal argagixiso.


Max Zirngast ayaa la xiray subaxnimadii hore ee taladaadii shalay,xili uu ku sugnaa hoygiisa waxaana dowlada Austria ay ku baaqday in turkiga uu sii daayo.

Dhanka kale xukuumada Ankara ayaa laga dalbaday maanta in ay sharaxaad ka bixiso sababta rasmiga ah ee ka danbeysa xariga wariyahan waxaana Austrai ay rajo ka muujisay arintaasi.

Ra,isul wasaaraha Austria Sebastian Kurz ayaa meesha ka saaray in wariyahan uu ku lug leeyahay arimo argagixiso xilli uu maanta ka hadlay kulan ay yeesheen golaha wasiirada.


Xukuumada Sebastian Kurz oo aan xiriir wanaagsan la laheyn maamulka Ankara ayaa horay uga soo horjeesatay in Turkiga uu ku biiro dalalka qaarada yurub.

Faallooyin