HRW: oo ugu baaqday dowlada sacuudiga in ay sii deyso wadaad caan ah oo u xiran

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujisay xabsiga uu wali ku jiro shiikh caan ah oo u dhashay sacuudiga kaasi oo horay u dhaliilay siyaasada maamulka Riyaad waxaana ay ku baaqeen is la sii daayo.


Ciidamada sacuudiga ayaa 7-dii bishii September sanadkii hore xiray wadaadka caanka ah ee lagu magacaabo Salman al-Awda iyadoo wali uu xiran maxkamad la,aan.


HRW ayaa sidoo kale maanta sheegtay in shiikhan oo jira 61 sano loo ogolaaday in uu la xiriiro qareenkiisa waxaana markii ugu horeysay eeda loo heesto la dhageystay 3-dii bishan.


Dacwad oogayaasha sacuudiga ayaa Salman al-Awda ku eedeyay 37 danbi oo ay ka mid yihiin xiriir uu la sameeyay kooxda Ikhwaanul muslimiinka masar iyo dowlada Qatar,waxaana ay dalbadeen in dil toogasho lagu xukumo.

Sanadii 2014-kii ayaa sacuudiga waxaa uu liiska argagixisada ku daray kooxda Ikhwaanul muslimiin ee dalka masar.

HRW ayaa ugu danbeyn canbaareysay xariga shaqsiyaadka u ololeeya arimaha bulshada ee uu ka mid yahay wadaadkan waxaana ay tilmaantay in maamulka boqor Mohammad bin Salman uu saameyn uu u keeni doono siyaasadiisa kobaca dhaqaalaha sacuudiga.

Faallooyin