Dad rayid ah oo ku dhintay qarax xoogan oo ka dhacay waqooyiga Ciraaq

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhimatay halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday oo ka dhacay wado weyn oo ku taal magaalada salaaxudiin ee waqooyiga ciraaq.


Taliyaha ciidamada police-ka gobolka Mohammed al-Bazi ayaa sheegay in qaraxaan uu dhacay galabnimadii maanta kadib markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa la hor dhigay goob maqaayad ah oo ay ka cuntaeynayeen dad safar ah.


Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa 140 kiilo mitir u jirta magaalada caasimada u ah gobolka ee Tikrit oo 87 mile kaga beegan waqooyi galbeed ee caasimada baqdaad.

Bazi ayaa intaa ku daray in dadka ku geeriyooday qaraxaan ay qaarkood gubteen,halka burbur xoogan uu soo gaaray xarumo ganacsi oo ka agdhowaa maqaayada.

Ra,isul wasaaraha ciraaq Haider al-Abadi, ayaa ku eedeyay qaraxaan in ay ka danbeyso kooxda daacish,waxaana uu tacsi u diray ehelada dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay.

Faallooyin