Mucaaradka suuriya oo lagu eedeyay in caruur yaryar ay u adeegsan rabaan sunta Chemical-ka

Wasaarada gaashaandhiga ruushka ayaa sheegtay in dagaal yahanada siiriya ay ka afduubteen caruur yar yar magaalada Alepo si ay ugu adeegsadaan sunta wax gumaada ee chemical-ka si loogu eedeyo dowlada.

Wakaalada warar ee SANA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan wasaarada gaashaan dhiga ruushka ayaa waxay sheegtay in 22 caruur ah iyo qoysaskooda afduub loo geystay.

Ruushka ayaa intaa ku daray in arintaan looga gol leeyahay sidii sawir xun looga bixin lahaa milatariga suuriya oo howlgaladii ugu danbeeyay oo mucaaradka looga sifeynayo gobolka Idlib todobaadkii hore bilaabay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ruushka uu shaaciyay in dagaal yahanada taageerada ka helaya dalalka reer galbeedka iyo kooxda Jabhat an-Nusra ay kulan qaateen bilowgii bishan kaasi oo ku aadan qaabka loo adeegsan lahaa sunta Chemical-ka.

Faallooyin