Sawiro:dad uu soo ritay cudurka daacuunka oo ku geeriyooday magaalada caasimada ah ee Harare

Police-ka Zimbabwe ayaa maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo dhamaan ba goobaha la isugu tago ee dadweynaha si loo xakameeyo cudurka daacuunka oo 21 ruux ku dilay magaalada caasimada ah ee Harare.


Arintaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii dowlada ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah si loola tacaalo wax ka qabashada cudurkan.

War saxaafadeed ay soo saartay arbacadan afhayeenka police-ka Charity Charamba ayaa ku boorisay dadweynaha in ay qaatan amarka ay soo saartay dowlada,walow aysan sheegin inta uu sii jirayo bandowga lagu soo rogay goobaha ay dadweyaha isugu tagaan.

Dhanka kale hogaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa oo qorsheynaya in uu qabto isu soo bax uu kaga soo horjeedo xaflada dhaarinta ah ee madaxweynaha la doortay Emmerson Mnangagwa,maalinta sabtida ah oo ay ku beegan tahay 15 bisha September ayaa isna booqday isbitaalada ay ku jiraan dadka uu soo ritay daacuunka.

wasiirka caafimaadka Obadiah Moyo oo ka hadlay kulan ay dowlada uga arinsaneyso daacuunka ka dilaacay magaalada Harare ayaa sheegay in 3,000 oo ruux uu soo ritay la dabiibayo.


Sanadii 2008-dii ayay aheyd markii 4,000 oo ruux ay geeriyoodan caabuqa daacuunka halka 40,000 oo kale la dhigay xarumaha caafimaadka ee Zimbabwe.

Faallooyin