Madaafiic xoogan oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Tripoli

Madaarka caalamiga ah ee magaalada caasimada ah ee Tripoli ayaa lagu weeraray madaafiic maalin kadib markii qaramada midoobay ay ugu baaqday kooxaha ku dagaalamaya gacan ku heynta magaalada in ay joojiyaan colaada.

Weerarkan oo dhacay habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dadaalo nabadeed oo loogu gogol xaarayo colaada ay ka socdeen wadankan ku yaal waqooyiga Afrika.

Liibiya oo hodan ku ah wax soo saarka saliida ayaa tan iyo sanadii 2011-kii oo xilka laga tuuray madaxweynihii la dilay ee Muammar Ghadafi,waxaa ka socday dagaal ahli ah oo u dhaxeeya kooxaha hubeysan ee dalkaasi.

Madaafiicdan lagu weeraray madaarka Mitiga ayaa xukuumada liibiya sheegtay in aysan ka dhalan qasaare nafeed marka laga tago burbur aan badneyn.

Sargaal ka tirsan dowlada ayaa sidoo kale tilmaamay in duulimaadyadii diyaaradaha loo wareejiyay magaalada Misrata oo 200 kiilo mitir u jirta dhanka bari kaga beegan caasimada Tripoli.


Garoonka Matiga ayaa dib loo furay Jimcihii la soo dhaafay kadib mudo isbuuc ah oo uu ku xirmay howlihiisa kooxo hubeysan oo ku dagaalamay magaalada caasimada.


Dagaalkan oo socday dabayaqadii bishii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay 63 ruux halka 159 kalena ay ku dhaawacmeen.

Faallooyin