Meydadka sadex ruux oo rayid ah oo maanta laga helay ismaamulka Mandera

Sadex ruux oo rayid ah ayaa maanta waxaa meydkooda laga helay ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi bari kenya.


Dadkaan ayaa meydkooda laga soo qaaday tuulada Elram ee hoostagta waaxda kutulo ee koonfurta mandera.

Magacyada dadkaan la dilay oo laba ka mid ah ay ahaayeen walaalo ayaa lagu kala sheegay Ali Ibrahim xasan, Siyad Ibrahim xassan iyo Sadam Ali Uwes.

Saraakiisha Police-ka magaalada mandera ayaa wali ka hadlay meydka sadexdaan ruux ee saaka ka hadlay balse waxay sheegeen in ay baari doonaan.


Ilaa iyo hada ma cada sababta ka danbeysa dilka sadexdaan ruux iyo cida ka danbeysay intaba,balse waxaa ay arintaan qeyb ka tahay dilal taxane ah oo loo geystay shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi bari ee kenya.


Hogaamiye yaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda mandera ayaa ku eedeyay arintaan ciidamada difaaca kenya,waxaana ay ugu baaqeen dowlada in ay baaritaan rasmi ah ku sameyso dilka sadexdan ruux.

Faallooyin