Milatariga yemen oo goobo muhiim ah ka qabsaday xuutiyiinta mucaaradka ku ah dowlada

Ciidamada milatariga yemen oo taageero ka helaya xulufada sacuudiga uu hogaamiyo ayaa qabsaday laba goobood oo muhiim ah oo ay ku sugnaayeen dagaal yahanada xuutiyiinta yemen.

Saraakiil u hadashay milatariga ayaa waxay sheegeen in ay labada degaan oo ay qabsadeen ay u dhowdahay magaalada dekada leh ee xudeydah.

Taliye sare oo ka tirsan milatariga oo lagu magacaabo Abdulrahman Saleh Abou Zara ayaa arbacadan maanta ah waxaa uu sheegay degaanada ay qabsadeen uu muhiim u ahaa isku socodka magaalada sanca oo mucaaradka heystaan iyo magaalada xudeydah.

Wakaalada warar ka ee AFP oo soo xiganeysa saraakiil ciidan ayaa sheegtay in sidoo kale la qabsaday degaanka lagu magacaabo Kilo 10.


Degaanada gacanta ay ku dhigeen milatariga yemen ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo xulufada sacuudiga uu hogaamiyo ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka oo ka dhan ah xuutiyiinta yemen.

Faallooyin