Shiinaha iyo ruushka oo balan ku qaaday in ay xoojin doonaan iskaashiga dhanka difaaca

Madaxweynayaasha dalalka ruushka iyo shiinaha ayaa waxay kulan ay ku yeesheen magaalada caasimada ah ee Moscow ay kaga wada hadleen xiriirka soo jireen ah ee labada dal iyo sidii lagu xoojin lahaa.


Hogaamiyaha ruushka Valadmir Putin ayaa sheegay in moscow ay aaminsantahay saaxiibnimada kala dhaxeyso Beijing halka dhigiisa Xi jingbing.uu sheegay in labada dhinac ay sii wadi doonaan sidii lagu xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

Waxaa sidoo kale ay labada dhinac isla garteen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga difaaca iyo sirdoonka.

Hadalkaan ayey ka jeediyeen dhoola tus milatari kii ugu weynaa uu ruushka qabto kaasi oo maalintii shalay ka dhacay moscow waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa milatariga shiinaha.

Kulanka ay qaateen labadan hogaamiye oo ahaa kii sedaxaad oo ay yeeshaan ayaa waxaa uu imaanayaa xilli uu sii xumaaanayo xiriirka dowladahan kala dhaxeeyo xukuumada Washington.

Washington ayaa cuno qabateyn horay u saaray ruushka oo uu ku eedeyay in ay qeyb ka tahay rabshado horay ugu dhacay Ukraine,halka shiinaha uu ku kordhiyay canshuurta laga qaado shixnadaha la geeyo mareykanka.

Faallooyin