Turkiga oo Mareykanka uga digay inay Joojiyaan taageerada kooxda argagaxisada ee YPG ama ay laftooda noqon doonaan "bartilmaameed.

Ra'isal Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in qof kasta oo taageera malleeyshiyaadka YPG uu noqon doono "bartilmaameed", taas oo digniin u ah Maraykanka oo ciidamadiisa ay wada shaqeyn la leedahay kooxda hubaysan ee Kurdida ka hawlgala waqooyiga Suuriya.


Hadalka Bekir Bozdag ayaa ku soo aadaya ka dib markii Turkiga uu ku hanjabay in uu weerari doono magaalada Manbij iyada oo qayb ka ah howlgalka xudduudaha ee ka socda gobolka Afrin, oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Kurdiyiinta.


Maraykanka waxaa ka jooga 2,000 askari magaalada Manbij - qiyaastii 100km dhanka bari ka xigta Afrin - kuwa oo la shaqeeya maleeshiyada YPG ee la dagaallanta kooxda argagaxisada ah ee Daacish oo ​​sidoo kale loo yaqaan ISIS).


Haddii Maraykanku uu rabo "in laga fogaado iska horimaad dhex mara laba dal taas oo aysan doonaynin Turkiga ama Maraykanka - waa sida ugu macquulsan inay u gooyaan taageerada ay siiso kooxda argagixisada", ayuu Bozdag u sheegay wargeyska Turkiga ee A Haber.


"Cid waliba oo taageeraya ururka argagixisada ayaa noqon doona bartilmaameedka dagaalkan, Mareykanka wuxuu u baahan yahay inuu dib u gurto askartiisa iyo waliba taageerada argagixisada si looga hortago inuu khilaaf soo kala dhex galo labada dal ayuu yiri.

Faallooyin