Rob Van Bree waxaan baaritaan ku heynaa ninkii ka danbeeyay weerar-ka Utrecht

Taliyaha ciidanka Booliska ee bartamaha Holand Rob Van Bree ayaa sheegay in ay xabsiga ku hayaan nin hubeysan oo ka danbeeyay toogasho sadex ruux lagu dilay oo ka dhacday magaalada Utrecht.


Mr Van ayaa dhanka kale sheegay in la dabiibayo dhaawacyada shan ruux oo saarnaa Tareenka la weeraray.


Dhanka kale ciidanka amniga Holand ayaa ka hortagay in qasaaraha uu kordho kadib markii si deg deg ah ay Jawaab kaga bixiyeen.


Gokman Tanis oo ah 37 jir u dhashay asal ahaan Turkiga ayaa ka danbeeyay weerar-kaan iyadoo booliska ay soo bandhigeen Sawir-kiisa.

Faallooyin