Madaxweynaha Mali oo kormeer ku tagey hotelkii la weeraray (Daawo Sawirada)

Ibrahim Boubacar Keita, Madaxweynaha Mali, ayaa wuxuu kormeer uu ku tagey hotelka Radisson Blu, oo maalintii Jimcaha ay weerar qorsheysan ku qaadeen xoogag taabacsan Ururka Al Qaacidda.

Boqolaal ka mid ah Ciidamada Mali, ayaa waxaa la dhigay qaybaha uu ka kooban yahay hotelkaasi iyo dhammaanba wadooyinka soo gala, intii uu kormeerka ku joogay Madaxweynaha.

Gaba gabadii kormeerkiisaan, ayuu Madaxweynaha uu shir jaraa’id ku qabtay afaafka hore ee hotelka, wuxuuna cadeeyay inaysan Mali xiran doonin xuduudaheeda.

"Mali ma noqoneyso dal ay xuduudihiisu xiran yihiin. Paris maaha Geneva, New York iyana maaha Moscow. Dabcan ma jirto meel adduunka ah oo aan ku nabad-qabno.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mali.

Wuxuu sheegay inaanan kuwo rag ah loogu yeeri karin kuwii ka dambeeyay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee mudada saacadaha ah kula wareegeen hotelkaasi.

"Ma mudna in nimankii falkaan gaystay loogu yeero rag. Waxay go'aansadeen in ay bani'aadanimada ka baxaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita.

Weerarkan, ayaa waxaa lagu dilay 19 ruux, waxaana ku jira 10 ruux oo ajaaniib ah. Lix waxay u dhalatay Russia, saddex u dhalatay China iyo mid u dhashay dalka Mareykanka.

 

Faallooyin