WAR DEG DEG: Faransiiska oo sheegay in la dilay ninkii soo abaabulay weerarkii Magaalada Paris

Dowladda Faransiiska, ayaa waxay shaaca ka qaaday in la dilay Abdelhamid Abaaoud, kaasoo la rumeysan yahay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii Magaalada Paris.

Ninkan, ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay weerarkii shalay lagu qaaday guri ku yaala Waqooyiga Magaalada Paris, halkaasoo hal nin lagu dilay, halka haweeney-na ay isku qarxisay meel ay ka fogaayen Booliska Faransiiska.

Xeer Ilaaliyaha Faransiiska, ayaa wuxuu sheegay in la aqoonsaday gacmaha Abdelhamid Abaaoud, ka dib rasaas badan oo jirkiisa ku dhacday, iyadoona ay adkaatay markii hore in la aqoonsado ninkaasi.

Abaaoud, ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu yahay ninkii soo abaabulay weeraradii habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Paris, laakiin waxaa mar la sheegay in uu ku sugan yahay dalka Suuriya, walow ay dib ka soo baxeen warar kale oo sheegaaya in Faransiiska uu ku sugan yahay.

 

Faallooyin