Madaxda Ruushka iyo Mareykanka oo ku kulmay Magaalada Antalya (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo shirka G20 kaga qaybgelaaya Magaalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa waxay Axadii isu arkayn Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Madaxdan oo kulankoodu uu qaatay muddo 30 daqiiqo ah, ayaa waxay kaga wada hadleen weeraradii Magaalada Paris, dagaalka lagula jiro Ururka Daacish iyo xal u helidda dagaalada sokeeye, ee wiiqay dalka Suuriya.

Labada Madaxweyne, ayaa waxay isla qireen in ka jawaabidda weerarada Paris, ay ka horeyso iyadoo marka hore xal loo helo dagaalada mudada shanta sano ku dhow, ee ka sii soconaaya Suuriya.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa wuxuu Ruushka uu ku adkeeyay hawlgalkooda militari, in ay xoogga ku saaraan wiiqitaanka Ururka Daacish, bedelkii uu Ruushku beegsan lahaa dhammaan xoogaga mucaaradka, ee ka soo horjeeda Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Bashar al-Assad.

Iyadoo xiriirka labada Madaxweyne aanu wanaagsanayn, ayaa waxaa hadana xadidan waxyaabaha ay ku heshiin karayaan labada hogaamiye, haddii aragti mideysan ka yeelan lahaayen xal u helidda Suuriya.

Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Turkiga, ayaa Axadii sheegay in isbahaysiga la dagaalamaaya Ururka Daacish, ay dib u eeggi doonaan tallaabooyinkii la qaadi lahaa, si farriin adag loogu diro Ururkaasi.

Isniinta maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in hadal ka dhan ah Daacish laga soo saaro shirka G20. Caalamka ayaa Daacish u arka halis dhab ah oo dunida ku soo korortay.

 

Faallooyin