Wadamada G20 oo maanta uu shir kaga furmay Magaalada Antalya (Daawo Sawirada)

Madaxda dalalka warshadaha horumaray (G20), ayaa wuxuu maanta shir kaga furmay Magaalada Antalya ee dalka Turkiga, waxaana lagu wadaa in muddo laba maalmood uu shirkaasi kaga sii socdo Magaaladaasi.

Shirkan oo uu daah-furay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa wuxuu jadwalku ahaa in looga hadlo arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda, balse jadwalka shirka waxaa hakiyay weeraradii hal habeen ka dhacay Magaalada Paris.

Madaxweynaha Turkiga oo si xoogan u cambaareeyay weeraradaasi, ayaa sheegay in lala beegsaday dad rayid ah, oo aanu waxba galabsan. Wuxuuna xusay in dad maati ah oo leeska dilaa ay liddi ku tahay bani’aadanimada.

Madaxweynaha, ayaa dhanka kale sheegay in isbahaysiga la dagaalamaaya Ururka Daacish, ay dib u eeggi doonaan tallaabooyinkii la qaadi lahaa, iyadoo markaasi farriin adag loo diraayo Daacish.

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama oo ka hadlaayay shirkaasi, ayaa ku celiyay Mareykanka in Faransiiska uu ka caawin doono, sidii lagu aqoonsan lahaa dhammaan intii ka qayb qaadatay weeraradaasi.

128 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarada habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Paris, halka 350 kalana lagu dhaawacay.

Ururka Daacish oo ku awood badan dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa sheegtay masuuliyadda weeraradii Magaalada Paris, iyagoona ku macneeyay wax jawaab u ah duqeymaha uu Faransiisku ka wado Suuriya.

 

Faallooyin