Dalka Belgium oo lagu xiray saddex nin oo lala xiriirinaayo weeraradii Magaalada Paris

Xoogaga ammaanka ee Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, ayaa waxay xabsiga u taxaabeen illaa saddex nin, oo laga shaki qabo in ay wax ka ogaayeen weeraradii Magaalada Paris ka dhacay habeenimadii Jimcaha.

Wasaaradda Cadaaladda Belgium-ka, ayaa waxay sheegtay xarigaan in uu la xiriiro gaari laga kireystay dalka Belgium-ka, oo laga helay meel ku dhow tiyaatartkii dadka badan lagu laayay ee Bataclan.

Booliska Faransiiska, ayaa waxay maanta helayn gaari labaad oo loo adeegsaday weeraradii habeenkii Jimcaha gil gilay Magaalada Caasimadda ah ee Paris.

Ciidamada kala duwan ee Faransiiska, ayaa waxay wadaan baaritaano ballaaran oo lagu ogaanaayo dhammaan intii ka qayb qaadatay weerarada ruxay Xarunta Faransiiska ee Paris.

127 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarada habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Paris, halka tiro intaa ka badanna lagu dhaawacay. Ururka Daacish ayaana sheegtay masuuliyadda weeraradaasi.

 

Faallooyin