Mareykanka oo amray in baaritaan caafimaad lagu sameeyo caruurta ku jirta xabsiyada

Ciidanka xuduudaha ee dalka Mareykanka oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan (CBP) ayaa amray in baaritaan caafimaad lagu sameeyo caruurta ku xiran xabsiyada kadib markii cunug sideed jir ahaa oo u dhashay Guatemala uu geeriyooday.


Dhimashadan ayaa ka dhigan in cunugii labaad ee bishan ku geeriyoodo xabsiga sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan waaxda gargaarka.


Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay socdaan howlgalo xoogan oo ciidanka xuduuda ka wadaan dhulka u dhaxeeya Mexico iyo Mareykanka.


Wiilkaan dhintay ayaa ciidanka Amniga Guatemala ay magaciisa ku sheegeen Felipe Gomez waxaana xabsiga ku wehlinayay aabihii oo lagu magacaabo Agustin Gomez, tan iyo 18 bishan December.


Dhanka kale ciidanka ilaalada xuduudaha ayaa ugu baaqay hey,adaha kale ee dowlada Mareykanka in ay caawimaad dhanka caafimaadka ah ay ka geestaan maxaabiista muhaajiriinta ah ee ku xiran Xabsiyada.

Faallooyin