Tiirkii Wadankow, Tahriib Talo ma ahee, Bal Tijaaro Tijaabiya

Dhalinyarada xamaasadooda waa sida shidaalka oo kale.  Shidaalka hadaad dab ku taabato holac ayuu keena, waa uu khasaare badiyaa.  Laakin hadaad shidaalka ku shubto gaari wuu ku dhaqaajiyaa oo meeshaad rabto ku geeyaa.  Nimcada ugu weyn Soomaaliya Ilaah ku mannaystay waxaa ka mid ah da’ yar aad u fara badan.  Waxaa lagama maarmaan ah in loo jiheeyo xamaasadda dhalinyarada ku jirta dhanka wax soo saarka sida ganacsiga.  Soomaalida waa dad ganacsiga jecel kuna xeel dheer, laakin waxaad moodaa jeceylka ganacsiga sidii la rabay uguma gudbin jiilka cusub ee hadda jooga.  Badankood waxay door bidaan tahriibka ama in ay shaqaale caadi ah wadanka ka noqdaan.  Caqabado badan ee dhalin yarada ka hor-istaaga ayaa jira in ay ganacsade iskood u shaqeystayaal noqdaan. 

Soomaalidu  waxay tiraa (Mindi calool gashay maxay u gashay lama yiraahdo, sideen u daaweynaa baa la yiraahdaa).  Sidii loo daaweyn lahaa dhibaatada dhalinyarada haysata waxay u taalaa Soomaaliweyn oo dhan, gaar ahaan kuwa awoodda u leh in ay wax ka qabtaan sida ganacsatada, diyaasbarada, hay’adaha gargaarka, dawladda dhexe, dawlad goboleedyada, iskuulada iyo jaamacadaha wadanka gudihiisa ku yaala.  Haddii qolo walba inta qaddarkeeda ay qabato, waxaa hubaal ah in wax badan qabsoomi doonaan, miro bandanna ay dhali doonaan. Runtii dhalinyarada waa jecel yihiin in ay ganacsade noqdaan, laakin waxay la’ yihiin dad qudwad u noqda oo ay ku daysadaan.  Bal kaalaya aan isla falanqeyno caqabadaha hor taagan ku dhiiri gelinta dhalin yarada in ay ganacsiga wadanka ka qayb qaataan iyo xalkooda.

  1. In la alifo Hal Abuuryo Ganacsiga lugu Guubaabinaayo

Soomaalida waxay caan ku yihiin “Hal Abuurka” sida gabayada, maansada, maahmaahyada iyo halqabsiga. Oraahyada hal abuurka ah saameyn weyn ayay ku yeelataa dadka dhageysta.  Tusaale, waxaan mar dhow isku daynay in aan gelino xayeeysiin Hal qabsiyo sida midka hoos ku xusan ee ku boorinaaya dhalinyarada ganacsiga bogga internetka iyo Facebuuga ibinis.com (Waabog Soomaaliyeed oo sida E-Bay oo kale).  Halqabsiyada aan gelinay ayaa waxay sababtay in dhalin yaro badan u riyaaqaan, jawaab iyo mahad celinba ay u soo diraan maamulka bogga is ka leh.  Waxay kaloo sababtay dhalinyaro badan in boggaas booqdaan.   Gabyadana waxaa tusaale u ah gabaygii “Farshaxan” ee uu curiyay Allaha ha u naxriistee Abwaan Maxamed Gacal Xaayow”.  Dhalin yaro faro badan ayaa ka dhageysatay video-gaan

1479379248ae080.jpg

Dhibaatada ugu weyn oo jirta waxay tahay in dhalinyarada ay fikrad qalad ah ka fahamsan yihiin ganacsiga bilowgiisa.  Qaar ayaa aminsan in ganacsiga loo dhasho, in lacag badan ay u baahan tahay, in jaamacad loogalo IWM. Marka sidii looga dhaadhicin lahaa fikradaha qaldan, kalsoonina loo gelin lahaa waxay u baahan tahay dadaal wadareed. Marka waxaan ku boorinaynaa dadka qibradda u leh curinta gabayada, maansooyinka, geeraarada, buraamburka, maahmaahyada, halqabsiyada IWM in ay curiyaan hal abuuryo ku dhiiri gelinaysa dhalinyaradeena wax soo saarka, ganacsiga iyo waxbarashada.  Maxaa yeelay oraahda qofka bani’aadamka saamayn weyn ayay ku yeelataa wayna ka awood weyn tahay hubka maadiga ah ee aanu maanta adeegsano.  “Ereyga hufan baa irid kasta fura” , hadana ogow“  Eray Xumi Urug Kici”.

  1. Ganactada Waaweyn in ay Maal geliyaan Dhalinyarada

Waxaa halqabsi laga dhigtaa in shimbirta markay baranayso buubitaanka, kor intay u boodo ayay soo dhacdaa marar badan.  Markay xaaladaas ku jirto ayaa waxaa u soo daga shimbirihii waaweynaa, ayagoo dhiiri gelinaaaya shimbirta yar ee barbaradka ah.  Ilaa shimbirtaas ay si kalsooni ah ugu buubto.  Sidoo kalena ganacsatada waaweyn waa shimbirahaas oo kale, waxaa looga baahan yahay in ay kor u soo qaadaan ganacsato badan oo yar yar.  Ganacsatada waaweyn ayaga laftooda xaaladaas waa ay soo mareen, ayagana markooda sidoo kale waa inay dhalin yarada kor u soo qaadaan.  Taas ajarkeedda ma dhawa,  waa sida shumaca oo kale, Hal shumac oo shidan, waxay shidi kartaa shumac fara badan, ayadoon nuurkeeda wax u dhimeyn. Marka ganacsatada waxaan ku boorinaynaa in ay:

  • Ka sheekeeyaan sheekadooda sida ganacsiga ay ku galeen, waxay la kulmeen dhib iyo dheefba, xikmadaha ugu muhiimsan ay ka barteen ganacsiga.  Sheekooyinka waa habka ugu fiican ee loo gudbiyo warbixinada muhiimka, qofka maqlaana waa u cuntamaysaa.  Sheekooyinkan waxaa lugu gudbin karaa Youtubeka, Seminaaro loo sameeyo dhalinyarada iyo warbaahinta inteeda kale.
  • Ku deeqaan deyn aan dulsaar lahayn oo bilow u noqda.  Ama ku siiyaan deyn badeecadaha jumladda ay ku iibiyaan, si ayaguna tafaariiq ahaan ugu iibiyaan, faa’idana ugu helaan.  Sidoo kale, dad ayaa jira oo ku bilaaba ganacsiga Dallaalnimo, wuxuu isku keenayaa ganacsatada jumladda iyo kuwa tafaariiqda, halkaasoo ducadiisa lugu siinayo. 
  1.  Suuqyadii hore u jiri jiray in dib loo furo

Suuqyada, dhaqaalaha laga helo ka sokoow, waxay door ka ciyaaraan isku xirida iyo wada noolaanshaha mujtamaca kala duwan uu wadanku leeyahay.  Suuqyada waxay noqon doonaan tan keliya ee isku xiri karta maamul goboleedyada wadanka iyo buundadii isku xiri lahayd quluubta Soomaaliyeed.   Tusaale, waxaa jirta in wiilka dhaxlaya Boqortinimada dalka ingiriiska (Charles) uu ka digay ayaan darada ka imaan karta suuqyada barxadda ee furan oo ku yaraanaya dalka ingiriisku.   Maxaa yeelay suuqyada furan mujtamaca aad iyo aad ayay wax tar ugu leedahay gaar ahaan dareenka aadanaha.  Moolalka waaweyn, bogga internetka iyo facebuuga bedel uma noqon korto.  Qubarada suuqa ayay waxay cambaareeyeen dadka dhaqaalaha ku xeel dheere oo ku yeera suuqa furan “Informal Sector”.  Taasoo ka dhigeysa suuqa mid sharci daro ah.

Suuqyo badan dagaalada sokeeya ka hor jiri jiray oo aan dib loo furin ayaa jira.  Taasna waa ayaan daro, waana sababaha ugu weyn oo ay dawladda kalsoonida shacabka ugu guuleysan weyday.  Shaqooyin badan ayaa ka abuurma suuqyada, mujtamaca ayadaa isu keynta.  Tusaale, inkastoo Waqooyi iyo koonfur siyaasad ahaan khilaaf ka jiro, hadana ganacsiga ka dhexeeya dadyowga labada degaan waa mid baaxad weyn oo sii kordhaaya.  Waxaad arkaysaa  ganacsato reer waqooyi ah ee koonfurta ka ganacsado iyo ganacsato reer koonfur ah ee ka ganacsata waqooyi. Hadii dhalin yarada labada degaan uu ganacsi dhexmaro, waxaa hubaal ah in malo xumadii iyo cuqdaddii siyaasadeed ee lugu abuuray da’yarta in ay meesha ku baaba’do,  taaso dhabaha u xaaraysa isku soo dhowaanshaha gacalkii kala irdhoobay.

  1. In Hay’adaha Waxbarashada Ganacsiga ku Guubaabiyaan Da’yarta Soomaaliyeed

Waxaa haboon in caruurta markay dugsiga hoose dhiganayaan lugu dhiiro geliyo ganacsiga, farsamada gacanta iyo iqtiraaca.  Qubarada Cilmu-nafsiga caruurta ayaa waxay sheegeen in ay faa’iidooyin badani u leedahay caruurta.  Sida caruurta oo ku barta samirka iyo dulqaadka, maxaa yeelay markaad wax farsamayneysid ama iibinaysid inta aad howshaas ka dhameyneysid Samir iyo dulqaad ayay u baahan tahay.   Tanna waxay daawo u noqon doontaa cudurka sal-fudeydka iyo laab la kaca Soomaalida samankaan sida aadka ah ugu saaqay.  Dhibaatada ugu weyn ee jirta waxay tahay iskuuladeena arrinkan ganacsiga iyo farsamada gacanta muhimad weyn ma siiyaan, aad iyo aad ayaan uga gaabinaa.   Marka waxaa haboon in maadooyinkan lugu daro manhajka iskuulka, muhimadeedana maskaxda laga geliyo da’yarta soomaaliyeed ee ah hantidii  Alle soomaalida u hibeeyay.

Sidoo kale Jaamacadaha laga barto ganacsiga waa in ay ardada u baraan ganacsiga si sahlan oo jecleysiinaysa ganacsiga, kalsoonina ku abuuraysa.  Runtii jaamacadaheena bara ganacsiga waxay qaateen nidaamka reer galbeedka oo ah mid qaldan.  Qubaro reer Galbeed ah oo fara badan ayaa cambaareeyay nidaamka jaamacadahooda ay u baraan ganacsiga.  Waxay ku eedeeyeen jaamacadaha reer galbeedka, in ay dhalin yarada baraan sidii loogu shaqayn lahaa shirkadaha, ayagoo ay baraynin sidii ay ayagu ganacsi u sameysan lahaayeen.  Waxaad arkaysaa qofka markuu jaamacadda ka baxo, ganacsiga wuxuu ula noqonaa mid adag, maxaa yeelay wuxuu maskaxda ku haya warbixino badan oo caqabad ku noqonaysa kalsoonodiisa. Waxaa arkaysaa dad badan oo aan jaamacad dhigan ama jaamacadda dhex ku dhaafay oo ganacsiga heer weyn ka gaaray.

  1. Diyaasbarada Reerahooda Kaalmada u dira

Waxaa haboon Diyaasbarada reerahooda wax u dira kaalmada, in dhalinyarada reerka ay ku dhiiri geliyaan ganacsiga.  Fikrado dheeraad ahna siiyaan, gaar ahaan adeegyo ay ku arkeen wadanka ay joogaan, kaasoo ganacsi ahaan laga dhaqan gelin karo wadankeena.  Tanna waxay faa’ido u noqonaysaa labada dhinac.  Maxaa yeelay qof waxaa ka haraaya lacaguhuu diri jiray, qofna wuxuu ka kaaftoomaayaa kaalmadii uu dalban jiray.  Gaar ahaan dadka diyaasbarada jooga, dhac dhacii badnaa la heli jiray ma jirto, Dhaqaalihii reer Galbeedka oo hoos u dhacay iyo xisbiyada ajaanibka necbaa oo ku guuleystay maamulka. Tusaale dalka Ingiriiska qiimaha sarifka £Poundiga hoos ayuu u dhacay, ceyrtii waa ay dhimeen, taasoo caqabad weyn ku noqotay reerka Soomaaliga ahaa ee kaalmada u diri jiray qaraabadooda wadanka gudahiisa joogay.

Ugu dambeyntii, Diyaasbarada waa in ay runta ka sheegaan xaaladda ay ku sugan yihiin ee ah “Dal aan dalkaaga ahayn dareen ku joog waaye”.  Masawirada khiyaaliga ah ee Faceboogyada/Whatsupka la gelinaayo, oo dhalinyarada waddanka gudahiisa jooga miyirka looga ridaayo, ma ahan mid runta ka sheegta xaaladda qurbajoogta Soomaaliyeed. 

---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Qore: Bazi Bussuri Sheikh

bazisomali@hotmail.co.uk

Comments