Chelsea oo shaqadii ka tirtay macalinkeeda iyo ninka lala xiriirinayo in uu shaqada ka badalo oo la shaaciyay

Kooxda kubada cagta ee chelsea ee wadanka Ingariiska ayaa shaqada ka tirtay macalinkii kooxdaas Antonio Conte oo mudooyinkaan xirrirka u dhaaxeeya isaga iyo maamulka uu shaki ku jiray.


Madaxweynaha kooxda reer talyaaani ee Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa maaalintii shalay aheyd sheegaay in kooxda Chelesa uu gabo gabo u maraayo heshiiska ay la gaaartaay macalin Maurizio Sarri si uu badal ugu noqdo Conte.


Ma jiro ilaa iyo hada war xaqiijinaya in kooxda ka dhisan bariga landon oo ku aadan in uu xilkaan ka badalayo macalinkoodii hore ee Conte oo u qaaday horyaalka Premier League iyo koobka FA -ga ninka lala Xiriirinayo kooxda iyo inkale.

Macalin Conte ayaa Qandaraaskiisa waxaa ka dhinaa hal sano iyada oo haatan ay kooxda Chelsea ay Nasaqday kadib markii shaki uu galiyay milkiilaha kooxdaas qaabka uu ku shaqeeyo.

Kooxda Chelsea oo sanadaan ka qeyb Galeen koobka kooxaha yurub ayaa bilowday tababarka ay isugu diyaarineyso fasal cayaareedka soo socda waxaana xili ciyaareedkii dhamaaday ay ku fashilantay in ay qaado wax koob ah.

Macalinka xilkaan loo wado in uu qabto Mr Sarri ayaa waxaa isna shaqadii uu napoli ka hayay ka badalay mr Carlo Acelotti.

Faallooyin