Faransiiska oo Ka Talaabsaday Belguim una Gudbay Kama Danbeysta Koobka Aduunka

Xulka Kubada Cagta Faransiiska ayaa Caawa iska Xaadiriyay Kama Danbeysta Koobka Kubada Cagta Aduunka ee Ka socda Wadanka Raashiya,kadib cayaar ay la yeesheen Wadanka Daris wadaaga ay yihiin ee Belguim-ka.

Cayaarta oo ay labada dhinac kala matalayeen xidigo magac iyo maamuus ku leh labada dal sidoo kalena saameyn ku leh Horyaalada Dalalka Qaarada yurub ayaa waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen cayaar ay adkeyd in la saadaaliyo cida libinta ay raaaci doonto.


Daqiiqadiihi Hore ee Cayaarta ayaa labada dhinac waxaa ay Sameyeen Weerar iyo weerar celis in kastoo ay yaraayeen fursadaha ay labada dhinac abuureen ee Goolka Hortiisa,waxaaana qeybtii hore ay ku soo gaba gabowday barbaardhac eber iyo ebar ah.

Daqiiqadii 51-aad ee cayaaarta xulka france waxaa uu sameeyay weerar waxaana goolka ka beeniyay xidiga u qabta gool ka kooxda Belguim Thibaut Courtois Banaanka isaga saaray kubada.

Xidiga reer France Antonio Greziman ayaa soo tuuray kubad Corner aheyd taaasi oo madaxa uu ku hubsaday daafaca qalbada dhexe ee France Samuel umtiti waxaana xulka reer france uu sidaa ku qabtay hogaanka.

Xulka Belguim ayaa isku dayay dadaalo badan uu ku soo barbareynayo goosha walow aysan wax ba u suura galin waxaanalix daqiiqo oo lagu daray cayaarta ay ku dhamaatay 1-0 oo Xulkii Diiqa ay Guusha ku Raacday.

France oo iska xaadirisay Kama Danbeysta Cayaaraha Aduunka ayaa Waxaa ay sugu Doontaa Xulkii Soo Baxa England iyo Croatia oo Cayaaraya Habeen Danbe.

Faallooyin