Ronaldo oo si Rasmi ah Kaga Mid Noqday kooxda kubada Cagta ee Juventus

Laacibka Shanta jeer ku guuleystay abaal marinta FIFA Ballon d'Or C Ronaldo ayaa soo Gabagabeeyay Mudo 9 sano oo uu ku qaatay garoonka kooxda Real Madrid ee Dalka Spain.


Sida Lagu Shaaciyay Webka Madrid kooxda ayaa si rasmi ah u dhameys Tiray heshiis uu ugu biirayo kooxda ka dhisan Magalada Torin ee Dalka Talyaaniga.


Qiimaha La isla Gartay ayaa waxaa uu dhan yahay 100m (£ 88m / $ 117 sida ay wararku sheegayaan.


Todobaadkii La soo Dhaafay Maalintii Talaadada Madaxweynaha Marwada Duqda ah Andrea Agnelli waxaa uu u duulay Wadanka Dhaca isla Qaarada Yurub ee Greeca Si uu kulamo ula qaato Xidiga Reer Portuqal, oo kadib ka haritaankiisa Koobka aduunka Fasax Ku qaadanayay Magaalada Kalamata.


Ninka Sida Weyn loo Garanayo Cayaariyahano Badanna Wakiil ka ah Jorge Mandez ayaa Sidoo Kale arintaan Door weyn ka cayaaray.

Xidigaan ayaa Saluugayay Mudooyinkii la soo dhaafay mushaaraadka uu ka qaadanayay kooxda reer Spain oo uu marar badan Dalbaday in ay u Kordhiso Mushaarka si uu u qaato mushaar La mid ah kan xidiga reer Argantine L Messi.


Waxaa Lagu Waramayaa in uu Qalinka Ku Duugay Heshiis afar Safar Ciyaareed ah oo uu Ku qaadan doono aduun lacageed oo dhan 30 milyan oo lacagta ginni (£ 26.5m / $ 35m)


Kooxda kubada cagta ee Real madrid ayaa waxaa ay u ogolaatay cayaariyahankaan in uu ku biiro kooxda lagu naaneyso marwada duqada ah ee dalka talyaaniga waxaana ay arintaan imaaneysaa iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu kor u kacayay kobaca dhaqaalaha ee kooxdaas ay ka hesho suuqyada.

Faallooyin