Salah oo sii Wada Gool Dhalintiisa iyo Natiijooyinka Kulamadii H/ Dalalka Ingariiska iyo Spain

Weerar yahanka Kooxda Kubada Cagta ee Lverpool ayaa Wali Wada Gool Dhalntii Lagu Yaqaanay Kadib Markii uu Maanta Dhaliyay Goolkiisii afartanaad Cayaar ay 3-0 Kaga Badiyeen Kooxda kubada Cagta ee Bournemouth Shalay.

Kulankaan oo ahaa Cayaar Ka Tirsaneyd Horyaalka Premier League ayaa Waxaa Goolka Hore u Daahfuray Kooxda Reds Sadio Mane Cayaarta oo Socotay Daqiiqadii 7-aad.


Mohamed Salah ayaa Goolka Labaad ee Cyaarta ahaana Goolkiisii afartanaad ee Kulamdi uu u Cayaaray Kooxda Liverpool Waxaa uu Dhaliyay Daqiiqadii 69-aad ee Qeybtii Labaad ee Cayaarta.



Roberto Firmino oo Ka Mid ah Weerarka Sadex Afleyda ah ee Liverpool ayaa isna Hurdo u Diray Kooxda Bournemouth.


Mohamed Salah ayaa Waxaa uu Noqonayaa Cayaariyahankii Sedaxaad oo u Cayaara Liverpool Kaasi oo Dhaliya 40 Gool Hal Sanad Cayaareed Waxaa uuna Taariikhda Kooxdaas kula Biirayaa Ian Rush, iyo Roger Hunt.


Kooxda Liverpool ayaa Dagaal Ba,an ugu Jirta in ay Ku Dhameysato Kaalimaha Afarta sare si ay sanada soo aadan uga Qeyb Qaadato Koobka Kooxaha Horyaalada Yurub oo ay Hada Wareegiisa Afar Dhamaadka ay La Cayaari Doonto Kooxda Roma.


Kooxda Martida Loo ahaa ayaa Goolka La Hormartay Waxaa u Dhaliyay Dusan Tadic Daqiiqadii Koowaad iyadoo Goolka Labaad uu Raacsaday Jan Bednarek Daqiiqadii Lixdanaad Qebtii Labaad ee Cayaarta.


Kooxda Chelsea oo ay Neefta ku Dhegtay ayaa Waxaa ay Dib ay isaga soo Guday Goolasha Waxaana ay Guushan Kaga Mahdineysa Laba Gool oo Ka Yimid Olivier Giroud Halka Goolka Kale uu Raacsaday Eden Hazard Waxaana ay ku soo Idlaatay 2-3 oo Chelsea ay Guusha Ku Raacday.


Kooxda Manchester City ayaa Caradii ay Todobaadyadii La soo Dhaafay Sadex Guul Daro oo Minan iyo Marti Kala Kulantay Kooxaha Liverpool iyo Man utd Waxaa ay Guul Daro Ciil iyo Caro Goyn ah Kala Dul Dhacday Kooxda Totanham Kadib Markii ay ku Booqatay Garoonkooda White Hart Lane ee Magaalada Landon.


City oo Goolashan Ku Hormartay Laba Ka Mid ah ayaa Waxaa u Dhaliyay Daqiiqadihii 22-aad iyo 25-aad Ciyariyaanadooda Gabriel Jesus iyo Ilkay Guendogan.


Kooxda Martida Loo ahaa ayaa Sameysay isku Dayo Badan Waxaana Gool u Dhaliyay Daqiiqadii 42-aad Christian Eriksen waxaana Lagu Kala Nastay Qeybtii Hore 1-2 oo City hogaanka Ku Heyso.


Markii Dib La isugu soo Laabtay ayaa Labada Kooxood ba Waxaa ay sameyeen isku Dayo Badan Balse Natiijada Cayaarta ayaa Dhamaadkii Waxaa Go,aamiyay Raheem Sterling oo Dhaliyay Goolkii saedaxaad Daqiiqadii 72-aad Waxaana ay Sidaasi Guusha Ku Raacday Kooxda City oo Horyaalka in ay Qaado Qarka u Saaran.


Kulamada Kale Waxaa ay u Dhaceen Sidan.


Burnley 2 - 1 Leicester City

Crystal Palace 3 - 2 Brighton & Hove Albion


Huddersfield Town 1 - 0 Watford


Swansea City 1 - 1 Everton


Horyaalka Spain Waxaa isna La Cayaaray Kulamo Ka Tirsan Waxaana Natiijooyinka ay Noqdeen Sidan.


Sevilla 2 - 2 Villarreal


Las Palmas 0 - 1 Real Sociedad


Leganes 1 - 0 Celta Vigo


Athletic Bilbao 2 - 3 Deportivo La Coruna


Kooxda Barcelona oo Wali La amakaaksan Guuldaradii Ka soo Gaartay Kooxda Roma ayaa 2-1 ku Dubatay Valencia oo Marti ugu aheyd Garoonka Camp Nou Luis Suarez iyo Samuel Umtiti Labadii Qeyb ee Cayaarta Goolal u Kala Daliyay iyadoo Dhamaadkii Cayaarta uu Kooxda Martida aheyd Gool u soo Celiyay Daniel Parejo.

Waxaa Sidoo Kale Maanta La Cayaari Doonaa Kulamo Xiiso badan

Faallooyin