Manchester United 2-1 Liverpool: laba gool oo uu kooxdiisa u dhaliyay Marcus Rashford ayay guusha ku raacday kooxda United

Laba gool oo uu u dhaliyay kooxda Man United Marcus Rashford qeybtii hore ee ciyaarta ayaa u sahashay guul muhiim ah inay ka gaaraan islamarkaana ay uga badiyaan 2-1 kooxda Liverpool kulankii maanta ka dhacay garoonka Old Trafford.


Weeraryahanka reer England ayaa dhaliyay goolkiisii 14aad oo ah goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League tan iyo December 10keedi waxa uuna labeeyay 10 daqiiqo kadib.


Kooxda liverpool ayaa helay gool oo uu iska dhaliyay Eric Bailly daqiiqadii 66-aad, kaas oo raja galiyay liverpool inay ciyaarta ku soo laabtaan, laakiin United ayaa difaac adag gashay islamarkaana heshay guusheedii ugu horeysay ee ay ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan tan iyo bishii Janaayo 2016.

Faallooyin