Dowladda Somaliya oo lagu dhaliilay inay ku fududaato go'aanada arrimaha dibadda

Dowladda Somaliya ayaa xilligaan lagu eedeeyay inay ku fududaato arrimaha dibadda iyo goaanada ay ka gaarto, kadib warsaxaafadeedkii taageerada ahaa ee Sacuudiga ugu muujisay dowladda.

Siyaasiyiinta Somalida qaarkood ayaa qaba aragtida ah in dowladda Somaliya looga baahan yahay inay aad uga fiirsato marxaladda amuuraha dibadda.

La safashada Sacuudiga ayaa loo arkaa inay dhaawaceyso xiriirka dhanka diblumaasiyadda ee Canada iyo Somaliya.

Somalida ku nool dalka Canada ayaa arrintaan walaac ka muujiyay waxayna sheegeen inay aad uga xun yihiin tallaabada dowladda ku taageertay Sacuudiga.

Dowladda Somaliya ayaa ku adkeysatay goaankeeda taageerida arrimaha gudaha Sacuudiga.

Faallooyin