Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo looga yeeray Magaalada Jowhar

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Jowhar ugu yeeray mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo sidoo kale kuwa magaalada B/weyne.

Waxa uu Waare u yeeray guddoomiyaha gobolkaasi Mudane Sufurow, ku xigeennadiisa iyo duqa B/weyne, waxaana tirada mas’uuliyiinta laga sugayo Jowhar ay gaarayaan Shan.

Cabdulle Nuur oo ah xoghayaha maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyey in madaxda gobolka Hiiraan ay tagi doonaan magaalada Jowhar, maadaama loo yeeray.

Warar madax bannaan oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxdaan lagala hadli doono xiisado ka bilowday gobolkaasi gaar ahaan B/weyne, kuwaasi oo  ka biloway Geel la kala dhacay.

Xiisad ka dhallatay geel la kala dhacay ayaa ka taagan Magaalada Baledweyne, taasi oo laga sii cabsi qabo inay sii fido.

Faallooyin