Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya oo sheegay Sacuudiga inay ku taageereen in aan la faragelin arrimaha gudaha dalkaasi

Axmed Ciise Cawad Wasiirka arrimaha dibadda Somaliya ayaa sheegay sababta dowladda Sacuudiga ugu taageereen war saxaafadeedka ay soo saareen ay tahay in aan la faragelin arrimaha gudaha dalkaasi.

Canada iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf ka dhashay dhanka Diplumaasiyadda kadib markii Canada cambaareysay falal ka socda gudaha Sacuudiga.

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliya ayaa sheegay haddii faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Canada ay taageeri lahaayeen si la mid ah sida ay u taagereen dowladda Sacuudiga.

"Waa run waanu ku taageernay dowladda Sacuudiga inaan la fara gelin arrimahooda gudaha, si la mid ah sida aan arrimahooda gudaha ugu taageeri laheyn dalka Canada hadii la fara geliyo, marka mowqifka dowladda waa kaas, Sacuudiga waa dal aan walaalo nahay, marka ceeb ma ahan inaan go’aankooda ku taageerno, sidoo kale Canada waa dal aan saaxiibo nahay.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda.

Faallooyin