Sacuudiga oo dib u soo celiyay 27,000 neef ari ah oo Boosaaso laga dhoofiyay

Dowladda Sacuudiga ayaa la sheegayaa inay dib u soo celisay xoolo badan oo markii hore laga dhoofiyay dakadda Magaalada Boosaaso.

Xoolahan oo ay leeyihiin ganacsato Somaliyed ayaanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee dowladda Sacuudiga dib ugu soo celisay Somaliya.

Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yiraahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaarayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.

Sacuudiga ayaa horay xayiraada uga qaaday dhoofinta xoolaha nool ee Somaliya, waana sababta keentay in ganacsato Somaliyed ay ku dhiiradaan dhoofinta xoolaha.

Xoolahan ayaa ahaa kuwo looga faa'iidaysanayey xiliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintaan xoolaha .

Faallooyin