Meydadka laba qof oo Oromo ah oo laga helay Magaalada Boosaaso.

Wararka ka imanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegaya in halkaasi laga helay Meydadka muwaadiniin udhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan Qowmiyada oromda.

Meydadka laba qof oo Oromo ah, ayaa midkood laga helay meel ku dhow Masjidka caanka ah ee Faadumo ee ku yaala laamiga Bartamaha, Meydadka mid kamid ah ayaa qoorta ujabantahay, halka mid kalena laga helay Xafiis ay maamulaan dadka wax Tahriibiya.

Saraakiisha Caafimaadka ee isbitaalka Boosaaso ayaa Warbaahinta gudaha usheegay, in Meydadka oo loo keenay da'dooda ay ku qiyaaseen 20 Jiro.

Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, midkoodna kama hadal Meydadkan Magaalada laga helay, lamana oga cida sida rasmiga ah uga danbeysa dilkooda.

Maamulka Gobolka Bari, ayaa saxaafada Talaadadii usheegay in shacabka looga baahanyahay iney ka feejignaadaan dhibaateynta dadka Itoobiyaanka ah, Sababo la xiriirta rabshadihii ka dhacay Dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Faallooyin