Askari katirsan Milatariga Somaliya oo lagu dilay Degmada Kaaraan.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdihso, ayaa sheegaya in goordhow koox hubeysan ay Waqooyiga Magaalada ku dileen askari katirsan Ciidanka Milatariga Somaliya.

Dilka, waxa uu ka dhacay Suuqa weyn ee Degmada Kaaraan, Goob joogayaal waxey soo sheegeen in dhalinyaro hubeysan ay qeybta sare ee jirka rasaas kala dheceen askariga oo xiligaasi meel fadhiyay.

Raga dilka geystay ayaa durbadiiba goobta isaga cararay, waxaana daqiiqado kadib meesha tagay Ciidamo katirsan kuwa amniga oo sameeyay baaritaano la xiriirta soo qabashada Kooxihii dilka geystay.

Maamulka Degmada Kaaraan, ayaa goobta ka qaaday meydka askariga, waxaana la geeyay Xarumnta danbi baarista, si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.

Dilalka loo geysto askarta katirsan Ciidamada amaanka, ayaa dib usoo laabtay maalmahan, waxaana aroortii hore ee shalay degmada waaberi lagu dilay askari katirsanaa C.I.D, Iyadoo kooxihii dilka geystayna ay goobta isaga carareen.

Faallooyin