Ciidamada Amisom oo qaraxyo lagula eegtay Isgoyska Soos ee Degmada Heliwaa

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Xaafadda Soos ee Degmada Heliwaa, ciidamada Amisom, ayaa qaraxyo halkaasi lagula eegtay, xilli ay marayeen Isgoyska Soos.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada Amisom oo gaadiidkooda kolonyada saaran qaraxyada lala eegtay, islamarkaana qaraxii koowaad markii uu dhacay la maqlay qarax kale.

Khasaare ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray ciidamada Amisom, markii ay dhaceen qaraxyada rasaas badan ayaa la sheegay inay fureen ciidamada oo dad rayid ah wax ku noqdeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay qaraxyada inay ahaayeen miinada nooca dhulka lagu aaso oo ciidamadan lala eegtay.

Illaa hadda ma cadda khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxyadaasi iyo rasaasta ay fureen ciidamada Amisom ee dadka shacabka ah waxyeelada gaarsiisay.

Hawlgal ayaa la sheegayaa in ciidamada ay ka bilaabeen xaafadda Soos iyo Suuqa Xoolaha, halkaasi oo gaadiidka iyo guryaha ay ku baarayaan.

 

Faallooyin