Maareeye Kuxigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis oo caawa lagu dilay Boosaaso.

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay Caawa Magaalada Boosaaso oo lagu bartilmaameedsaday Masuul katirsan Mid kamid ah SHirkadaha Isgaarsiinta ee deegaanada Puntland.

Goob Joogayaal waxey soo sheegeen in rag bistoolado ku hubeysan ay qeybaha sare ee jirka ka toogteen, C/llaahi Cumar Cali oo ahaa Maareeye kuxigeenka Shirkada Isgaarsiinta GOLIS.

Dilka oo dhacay Salaadii cishaha ee Caawa kadib, waxa uu ka dhacay Dhabarka danbe ee Xarunta shirkada GOLIS  ee Magaalada Boosaaso, waxaana durbadiiba goobta ku soo cararay Jamaacadii Masjidka Rowda.

Raga dilka geystay, ayaa la sheegay in toogashada kadib ay cagaha wax ka dayeen, waxaana markii danbe goobta tagay Ciidamada amniga oo sameeyay Baaritaano, lama soo sheegin wax dad ah oo ay howlgallada ku soo qabteen.

Saraakiisha amniga Gobolka Bari, wali kama hadlin dilka Maareeye kuxigeenkii shirkada Isgaarsiinta GOLIS, Sidoo kalena majirto cid wali sheegatay masuuliyada weerarka.

Faallooyin