SAWIRRO: Mursal oo ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Saraakiil ciidan

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen Cutubyo Ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jiray Leyli sarkaal iyo Leyli Saraakiil Xiggeen, kuwaasi oo isugu jiray kuwa Cirka, Dhulka iyo Badda.

Ciidamaddan maanta Tababarka loo soo xiray waxa ay muddo 12 bilood ah Tababar ku qaadanayeen Dugisga tababarka ee Turk-Som oo ku yaalla Degaanka Jaziira.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Dawladda Turkigu u garab taagan tahay Ciidamada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dawladda Somaliyed, isaga oo dhanka kalena u mahadceliyay dhamaan dadkii ka shaqeeyay in dhalinyaradda maanta qalin jabisay xeradan Ciidanka ee Turk-Som.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal ayaa kula dardaarmay Saraakiishii iyo Saraakiil xigeenadda dhameystay Tababarka in ay u istaagaan Difaaca iyo ilaalinta garab istaagga Qaranimadda Somaliyed.

 http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/08/

Faallooyin