Madaxweyne Farmaajo Brussels kula kulmay Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galleyr.

Magaalada Brussels ee Xarunta Dalka Biljimka, waxaa kulan kuwada qaatay Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID EE Somaliland.

Kulanka, waxa uu ka dhacay Hoteelka Wafdiga Madaxweyne farmaajo ay ka daganaayeen Magaalada, iyadoo waxyaabaha laga hadlay ay qeyb ka eheyd Wadahadalada udhexeeya Somaliya iyo Somaliland oo hakad ku jiray tan iyo markii talada dalka ay la wareegtay Dowladda Cusub.

Injineer feysal Cali Waraabe ayaa Idaacadda Bbc-da laanteeda afka Soamliga usheegay in Kulanka looga hadlay; Dagaalka Tukaraq oo ay bilowdeen mudada uu Madaxweynaha dalkan hogaaminayay, Dib usoo celinta wadahadaladii ay la lahaayeen Dowladda Somaliya iyo in laga fogaado wararka xanafta leh ee labada Shacabka sii kala fogeynayo.

" Annagu rag waaweyn baa nahay, Annaga iyo Cali Khaliif Galeyr,Wuu naga yaryahay Aragti waalid iyo mid odaynimo ayaan siineynay, Wuuna naga qaatay inaan mar dnabe wax xanafi ah iman".

Cali Khaliif Galeyr oo wax laga weydiiyay in dib ula Midoobaan Somaliya inteeda kale ayuu shuruud uga dhigay in marka hore dib loo soo celiyo Shanta Somaliweyn oo ay kamid tahay; Jabuuti NFD iyo Somali Galbeed, markaas ayuu sheegay iney Somaliland dib usoo laabaneyso.

Waxa uu ugu danbeyn Injineer Waraabe soo hadal qaaday dagaalka Tukaraq ku dhex maray Somaliland iyo Puntland, isagoo ku eedeeyay Madaxweyne Gaas inuu masuul ka yahay Colaada oo uu doonayo sida uu yiri in isir sifeyn deegaanada Sool laga sameeyo.

Faallooyin