Khilaaf salka ku haya awooda Maamulka oo soo kala dhex galay Wasiirka iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyada Somaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa waxaa looga hor yimid qoraal ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, kaasoo Ku-simaha Wasaaradda Maaliyadda looga dhigay Wasiir kuxigeenka Mr C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow, inta uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya hada waxaa ku-sime ka ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaasi C/laahi Sheekh Cali Qaloocow, maadaama Wasiir Bayle uu ku maqan yahay shirka magaalada Brussels.

Wasiiru dowlaha ayaa qoraalkiisa wuxuu la socodsiiyay Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, iyada oo sidoo kale uu ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa qoraalkiisa ku sheegay in aanay sharciga waafaqsaneyn warqada uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle 13-kii bishan, kahor inta uusan dalka ka bixin.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa warqad uu qoray 13-kii bishan, ka hor inta aanu ka dhoofin dalka waxaa uu Ku-sime uga dhigay Wasaaradda Maaliyadda Wasiir kuxigeenka, taasoo awood loogu siiyay saxiixyada iyo socodsiinta howlaha Wasaaradda inta uu Wasiirka dalka ka maqan yahay.

 Inta badan marka ay is qabtaan Masuuliyiinta Wasaaradaha Xukuumada Somaliya, waxaa arintooda ku baxa Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kaasoo xalka kama danbeysta ah ka gaara arinta.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/07/

Faallooyin