SAWIRRO: Ciidan ilaalinaya Xarumaha Qaramada Midoobe ee Somaliya oo Tababar loo soo Xiray.

Dalka Uganda waxaa tababar loo soo gaba gabeeyay labo Guuto oo ka mid noqonaya Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Uganda kuwaaas oo si gaar ah uga shaqeyn doona ilaalinta amaanka xarumaha muhiimka ah ee Qaramada Midoobey iyo dowladda Soomaaliya.

https://chimpreports.com/wp-content/uploads/2018/07/

Taliyaha Ciidanka Difaaca Dalka Uganda  Gen David Muhoozi ayaa labada guuto oo kala  XXV (BGXXV) iyo  (UNGU V) Xarunta tababarka Ciidanka ee degaanka  Singo ee dalka Uganda.

Guutada BG XXV,waxaa ay mas’uul ka noqonayaan xasilinta Soomaaliya iyaga oo ku shaqeynaya sharciga AMISOM ee Soomaaliya ,halka Guutada UNGU V,ay mas’uul ka tahay ilaalinta amniga Xarumaha Qaramada Midoobey,xarumaha dowladda Federaalka ah,Shaqaalaha Qaramada Midoobey iyo shaqsiyaadka Muhiimka ah .

Waxaa uu Taliyuhu ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan Soomaaliya islamarkaana ka fakaraan noloshooda maaddaama ay ka shaqeynayaan howlgal dibadda ah.

https://chimpreports.com/wp-content/uploads/2018/07/

“Howlgalka Soomaaliya wacaa uu u baahanyahay akhlaaq wanaag iyo naf hurnimo, si loogu guuleysto,sidaas darteed si adag u shaqee,hana oggolaan in Uganda hooseyso”,ayuu yiri Gen ,David Muhoozi.

Taliyaha Ciidanka dhulka  Dalka Uganda Maj Gen Peter Elwelu,ayaa uga mahad celiyay Ciidamada tababarka dhameystay waxaana uu u rajeeyay in shaqadooda Soomaaliya ay si wanaagsan u gutaan,waxaa uu xusuusiyay in Soomaaliya ay tahay meel uu dagaal ka socdo sidaas darteedna u baahan tahay akhlaaq iyo Askar Xirfad leh.

https://chimpreports.com/wp-content/uploads/2018/07/

Guutada BG XXV ,waxaa taliye ka ah  Col Paul Muhanguzi ,waxaana ku xigeenkiisa loo magacaabay  Lt Col CK Asiimwe halka  Col Stuart Agaba uu noqonayo Taliyaha Guutada  UNGU V ku xigeenkiisana waxaa laga dhigay  Maj Edward Mugisha.

Faallooyin