Madixii amniga ee Guddiga doorashooyinka oo loo Magacaabay Gudoomiyaha Degmada Hodan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Soo Magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka degmada Hodan.

Cabdi Xakiin Cabdi Raxmaan Ciise, ayuu u xushay Gudoomiyaha Degmada Hodan oo Todobaadkii hore dhamaadkiisa laga qaaday Maxamed Axmed Cantoobo, Cantoobo isagana waxaa loo Magacaabay Agaasimaha arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Hodan oo ah QUrbe Joog ku Noolaa dalka Sweden, ayaa Lixdii Sano ee udanbeysay waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, Isagoo lagu sifeeyay Qof Howlkar ah oo Saaxiib dhow la ah dhalinyarada Guud ahaan.

Waxa uu labadii Sano ee udnabeysay ka shaqeynayay Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Isagoo ka ahaa Madaxa amniga iyo Protocolka Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Todobaadka soo socdo ayaa la filayaa In si rasmi ah Xilka loogu wareejiyo, Waxaana ka socota Xarunta Degmada Hodan ee Xaafada Talee qaban qaabada Munaasabada Xil wareejinta oo ay ka soo qeybgalayaan Xubnaha ugu sareeya ee Gobolka Banaadir.

Si Kastaba, Warar hoose oo soo baxaya, waxa ay sheegayaan in Todobaadyada soos odo ay sii socon doonto Xil ka qaadista qaar kamid ah Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Sidoo akle waxaa miiska saaran dadkii lagu badali lahaa.

Faallooyin