Dad ka soo Barakacay Deegaanada Shabaab oo gaaray Magaalada Buula Barde.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanada Shabaab ay joogaan ay isaga soo Barakeceen qaar ka mid ah dadkii ku noollaa kuwaas oo la soo deristay Cabsi la xiriirta inuu khasaare ka soo gaaro Weerarada lala bartilmaameedsanayo Shabaabka.

Dadkan oo carruurtooda wata, ayaa soo gaaray Buula Barde, waxaana la dejiyay qeybo kamid ah Magaalada, iyadoo arintaasina ay iska kaashadeen Shacabka iyo Maamulka Magaalada.

Cabdi Daahir Guure oo ah Gudoomiyaha Buula Barde ayaa sheegay in dadka soo barakacay ay ku jiraan dad Carruurtooda iyo xoolahooda kala baqday Shabaab.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inay jiraan dad iyaguna xaalado dhanka Nolosha ah ay iska haysato oo la doonayo in Gurmadka wax laga siiyo.

Si Kastaba ha-ahaatee Buula Barde ayaa ka mid ah meelaha ay go’doomiyeen Shabaab, waxaana sanado badan lagu guuleysan la’yahay in Shabaab Cunaqabateynta ay saareen laga qaado, iyadoo dhowr jeer la qaaday weeraro arimahaas la xiriiray Balse waa ay guul dareysteen.

Faallooyin