Mareykanka iyo Kenya oo ka wada hadlay xasilinta Somaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ka wada hadlay xasilinta Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan.

Kulan dhexmaray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Jeneraal Thomas Waldhauser, oo ah taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi.

Madaxweyne Kenyatta ayaa u sheegay Jeneraal Thomas Waldhauser,in Kenya ay ka go’antahay xasilinta amniga Soomaaliya islamarkaana ay muddo dheer horseed ka ahayd arrintaas.

Kulanka oo inta badan xoogga lagu saaray amniga Gobolka iyo ka hortagga argagixisada ayaa Madaxweynaha Kenya waxaa uu sheegay in Waddamada IGAD ay iska kaashanayaan wax ka qabashada colaadda Dalka Koofurta Suudaan iyo xaqiijinta amniga Soomaaliya.

Thomas Waldhauser, ayaa waddamada Khaliijka ugu baaqay in ay ku tixgeliyaan Soomaaliya dhex dhexaadnimada ay ka qaadatay muranka u dhaxeeya,waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay saameyn taban ku yeelatay go’aankaas.

Waxaa uu sheegay in amni darrada ka jirta Soomaaliya ay si dadban ugu lug leeyihiin Waddamada Khaliijka Carabta oo Soomaaliya ku colaadinaya go’aankeeda la xiriira muranka Khaliijka.

Faallooyin