Wasiirka Maaliyadda Somaliya oo digniin u diray shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda

Isaga oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa waxa uu digniin u diray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya C.raxmaan Ducaalle Bayle shaqaalaha Wasaarada ee aanan soo xaadirin shaqooyinka.

Wasiir Bayle wuxuu tilmaamay qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda in laga doonaayo si hagaagsan inuu i guto waajibaadka shaqo ee saaran.

Wasiir Bayle ayaa si dadban u weeraray shaqaalaha qaar oo Qurbajoog ah kuwaasi oo qaata lacagta Wasaaradda Maaliyadda, balse shaqada aanan imaanin.

"Ninkii aanan imaanin shaqada 8:00 subaxnimo aniga wax mushaar ah iguma lahan, qurbahan isaga maqnaanayaa lacagteyda iisoo dhaceysa wax suuragal ah ma ahan." Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

"Haddii shaqada la idinku adkeeyo wax kale garan maysaan ordoo Xildhibaanadiina lasoo carara, waxaasi waa dhamaatay 8:00 subaxnimo shaqada waa in la yimaadaa" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bayle.

Faallooyin